Shir looga hadlayey hormarinta waxbarashada iyo caafimaadka Caabud-waaq, oo lagu qabtay London.
Shir weyne si heer sare ah loo soo agaasimay, oo ay agaasinkiisa lahayd hay’ada hormarinta waxbarashada iyo caafimaadka ee waqooyiga gobolka Galguduud, oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan WARDO, ayaa maalin nimadii Axada ahayd oo taariikhdu ahayd 14/04/13, lagu qabtay mid kamida golayaasha shirarka ee ku yaala bartamaha magaalada London ee xarunta u [...]

